Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ahaa inuu saddex meelood oo salaada ka mida gacmihiisa kor u qaado ilaa meel la siman garabka garabkuna waa meesha ay isugu yimaadaan lafta garabka iyo cududu. meesha 1aad: waa markuu salaada xiranaayo. meesha 2aad: markuu rukuucda u takbiirsanaayo. meesha 3aad: waa markuu rukuucda ka tooso, ee uu dhahayo: Ilaahay wuu maqlaa qofka ku xamdiya, Rabigayow aday mahadi kuu sugnaatay. Mana ahayn mid gacmihiisa kor u qaada markuu sujuuda bilaabayo, iyo markuu ka soo kacayo.