explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhihi jiray markuu fariisto labada Sujuudood dhexdooda: Rabiyow ii dambi dhaaf, Rabiyow ii dambi dhaaf" wuuna ku cel-celin jiray. Macnaha ii dambi dhaaf: waa baryada Adoonku uu kaga baryayo Rabigii inuu ka masaxo oo ka dhaafo dambiyadiisa kana asturo ceebihiisana.

explain-icon

fawaed

  • Waa Sharci in la akhristo ducadan labada Sujuudood dhexdooda, Salaadaha faralka ah iyo kuwa Sunahaba.
  • Waa Suno in lagu celceliyo: Rabiyow ii dambi dhaaf, inta waajibka ahina waa hal mar.