Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu baray Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali noqdee- Ataxiyaadka Salaada la akhriyo, isagoo Gacanta ganta u saaray, si uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ibnu Mascuud u soo jeediyo sida marka uu suurad Qur'aanka ah barayo oo kala, arinkaasina wuxuu ina tusayaa dadaalka uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku bixinayey Ataxiyaadka Eray ahaan iyo macno ahaanba. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: " Ataxiyaatu lilaah'': waana hadal iyo ficil kasta oo tusaya wayni iyo qadarin, dhamaantoodna Ilaahay Casa Wajala ayaa xaq u leh. " Asalawaatu'': waana Salaada la yaqaan, faralakeeda iyo Sunaheeduba Ilaahay ayey u sugnaatay. " Adayibaatu" Waa hadalada iyo ficilada iyo Sifooyinka wanaagsan ee tusaya kaamilnimada dhamaantoodna Ilaahay ayey u sugnaadeen. " Asalaamu calayka ayuha Nabiyu wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuh '': Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa loogu ducaynayaa in Ilaahay ka nabadgeliyo aafo iyo wax xun oo dhan uuna u siyaadiyo una badiyo khayr oo dhan. " Asalaamu calaynaa wa calaa cibaadi Allaahi Saalixiin": Waa duco nabad loogu ducaynayo Qofka tukanaya iyo Adoon kasta oo saalix ah oo ku sugan Samada ama Dhulka. "Ash hadu Alaa Ilaaha Ilaa Allaah": Waxaan qirayaa qiritaan ga'aana inaanu jirin Macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn. " Wa ana Maxamedan Cabduhu wa Rasuuluh': Nabi Maxamed waxaan u qirayaa Aadoonimo iyo Risaalada khaatimada ah. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu ku booriyey Qofka tukanaaya inuu ducaduu doono ku ducaysto.