Nabigu wuxuu cadeeyey nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in dadka midka ugu tuuganimo xuni uu yahay midka Salaadiisa xada, waayo kan Xoolo uusan laheyn xada waxaa dhici katra inuu Aduunka ku intifaaco, laakiin kan Salaaddiisa xadaya xaqii Naftiisa oo ajar iyo xasanaat ah ayuu xadayaa, waxay dheheen: Rasuulka Alloow, siduu Salaaddiisa u xadaa? wuxuu dhahay: uma dhammaystiro Rukuucdeeda iyo Sujuuddeeda, isagoo degdeg kula imanaaya Rukuucda iyo Sujuudadaba, sidii la rabeyna u lama imanayo.