Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu Ilaahay amray markuu tukanaayo inuu ka Sujuudo todoba xubnood oo Jirka ka mida, waxayna yihiin: Tan 1aad: Wajiga: waana balaca Wajiga ee Sanka iyo Indhaha ka sareeya. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku ishaaray Gacantiisa Sankiisa, isagoo cadaynaaya Wajiga iyo Sanku inay hal xubin oo todobada ka mida yihiin, wuxuuna xoojinayaa in Qofka Sujuudsani Sankiisa Dhulka taabsiiyo. Xubinka 2aad iyo 3aad: waa labada Gacmood. Xubinka 4aad iyo 5aad: waa labada Law. Xubinka 6aad iyo 7aad: waa Faraha labada Lugood. Rasuulku wuxuuna amray in aynaan xirin Timaheena, ama aanaan aruurin Dharkeena markaan Dhulka ku Sujuudayno anagoo ilaalinayna Dharka, balse aan sii dayno ilaa ay Dhulka ku dhacdo oo Xubnaha la Sujuudno.