Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay afar arimood: Mida 1aad: Haweenayda oo looma ogola inay safarto meel labo Maalin loo socdo iyadoo aanay la socon ninkeeda ama nin Maxaarimteeda ka mida ee ka mida Qaraabadeda aanay waligood is guursan karin, sida Wiilkeeda, Aabeheed, Wiilka walaalkeed dhalay, Wiilka Walaasheed dhashay, Adeerkeed, Abtigeed, iyo inta la midka ah. mida 2aad: waxaa la reebay soonka Malinta Ciidul Fidriga iyo Ciidul Adxa, waa isku mid haduu Muslimku u soomo nidar ama Suno ama kafaara gud. mida 3aad: la ma tukan karo Salaado Suno ah Salaada Casar ka dib ilaa ay Qoraxdu dhacdo, marka Fajarku soo boxo ka dibna la ma tukan karo ilaa ay soo baxdo Qoraxdu. Mida 4aad: looma safri karo meel dhulka ka mida oo la aaminsan yahay inay fadli gaara dheer tahay meelaha kale oo ajarkeeda la laalaabayo, oo aan ahayn sedexda masaajid, oo meel aan iyaga ahayn Salaad looguma safri karo: Masjidka Xaramka, Masjidka Nabiga, Masjidka Alaqsaa.