Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu ninku xaaskiisa u caroodo caro gaarsiin karta inuu dulmiyo oo uu ka tago oo dhabarka u jeediyo: waayo dadka waxaa lagu abuuray nuqsaan, haduu dhaqan xun ku arko wuxuu ka helayaa dhaqan kaloo fiican, wuxuu kaga raali ahaanayaa dhaqanka fiican ee kuu ku waafaqsan yahay, wuuna ku sabrayaa wixii dhaqan xun ah ee uusan kaga raali ahayn, taasina waxay ka dhigaysaa inuu ku sabro oo uusan ku nicin nicitaan ku kalifa inuu isaga tago.