explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay Aduunyadu dhadhan macaan tahay, aragana cagaar u tahay, dadkuna way ku kadsoomayaan, oo isku sii daynayaan macaankeeda, hamigiisa ugu wayna iyaduu ka dhigayaa. Ilaahayna isagaa nusqaan ka hufane wuxuu inaga yeelay in qaarkeenba qaarka kale uga danbeeyo Aduunyada, si uu Ilaahay u eego waxa aynu samaynayno, inaan isaga adeecayno iyo inaan ku caasiyeyno. Ka dib wuxuu yiri: ka digtoonaada inaad ku sirtoontaan raaxada Aduunyada iyo quruxdeeda, oo ay idin gaarsiiso inaad ka tagtaan wuxuu Ilaahay idin faray, oo aad ku dhacdaan wuxuu idinka reebay. Fitnada Aduunyada ugu weyn ee ay waajibka tahay in laga digtoonaadaa waa fitnada Dumarka, iyadayna ahayd fitnadii ugu horaysey ee reer Bani Israa'iil ay ku dhacaan.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa la isku boorinayaa in la joogteeyo Taqwada, oo aan lagu mashquulin muuqaalada Aduunyada iyo quruxdeeda.
  • Waxaa laga digayaa in lagu fitnoobo Dumarka, sida eegistooda iyo in Ragga ajaanibta ka ahi ku dhex jiraan, iyo wixii la mida.
  • Fitnada Dumarku waa fitnooyinka ugu waaweyn Aduunyada.
  • Waa in la waansamo oo lagu cibroqaato Ummaddihii hore, waayo wixii reer Banii Israa'iil ku dhacay qayrkoodna wuu ku dhici karaa.
  • fitnada Dumarku markay xaaska tahay waxay ku kalifi kartaa ninka masruuf aanu awoodin, waxayna ka mashquulin barashada cilmiga, waxayna ku kalifaysaa inuu isku dhabar jabiyo raadinta Aduunyada, haday ajnabi ka tahayna fitnadeedu waa inay damac galiso oo xaqa ka leexiso, markay soo baxaan oo ay Ragga dhex galaan, gaar ahaan hadii aysan asturnayn ee cawradoodu muuqdato, taasina waxay keenaysaa in lagu dhaco Sinada darajooyinkeeda, Muminka waxaa ku haboon inuu Ilaahay magan galo oo jeclaado si uu uga nabad galo finada Dumarka.