Nabigu scw wuxuu sheegay in dad si xaq daro ah ugu tagri falaan xoolaha muslimiinta, ku waasoo xaq daro ku qaadanaaya, waa arimaha xoolaha guud ahaaneed sida aruurintooda, in laga kasbo meel aan banaanayn iyo in lagu bixiyo meel aan sax ahayn, taas waxaa soo galaya cunida xoolaha agoonta, xoolaha waqafka ah, iyo amaanada oo la inkiro iyo in xoolaha dad waynaha xaqdaro lagu qaato. Ka dib Nabigu scw wuxuu sheegay in abaal marintoodu naar tahay maalinta qiyaame.