explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Aduunyada iyo waxa dhex yaalaba ay yihiin wax waqti kooban lagu raaxaysto, ka dibna tagaya, raaxada Aduun waxaa ugu fiican xaas saalixad ah, taasoo markuu ninkeedu eego farxad gelisa, markuu wax farana adeecda, markuu ka maqnaadana nafteeda iyo maalkiisaba ilaalisa.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa banaan ku raaxaysiga wax yaabaha wanaagsan ee Ilaahay u xalaaleeyey Adoomadiisa iyadoon la israafayn ama riyo beenaad laga dhigin.
  • Waxaa la isku booriyey xulashada xaas wanaagsan, waayo waxay ninkeeda ku caawinaysaa inuu Rabigi caabudo.
  • Raaxada Aduunka waxaa ugu khayr badan wixii cibaadada Ilaahay la xiriira ama wixii cibaadada ku kaalmeeya.