Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey wax ka mida xuquuqda Muslimku ku leeyahay Walaalkiisa Muslimka ah. Xaqa ugu horeeya waa salaanta oo laga radiyo cidii ku salaanta. Xaqa labaad: waa booqashada Qofka jiran iyo siyaaradiisa. Xaqa seddexaad: waa Janaasada raacideeda laga bilaabo Gurigiisa ilaa meesha lagula tukanaayo ilaa Qabriga ilaa laga aaso. Xaqa afraad: waa in la ajiibo u yeerida haduu ugu yeero casuumad Guur iyo qayrkeedba. Xaqa shanaad: waa in loo duceeyo markuu hindhiso oo uu yiraaho Alxamdu lilaah, oo lagu dhoho: yarxamuka Allaah, ka dib kan hindhisay uu yiraahdo: yahdiikumu Allaah wa yuslix baalakum.