(muslimku xaga uu ku leeyahay muslimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo)

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqalay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahaya: (muslimku xaga uu ku leeyahay muslimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Nabigu scw wuxuu cadeeyey wax ka mida xuquuqda muslimku ku leeyahay walaalkiisa muslimka ah. Kan koowaad: waa inaad cidii ku salaanta aad salaanta ka radido. Xaqa labaad: waa booqashada qofka jiran iyo siyaaradiisa. xaqa sadexaad: waa janaasada raacideeda laga bilaabo gurigiisa ilaa meesha lagula tukanaayo ilaa qabriga ilaa laga aaso. Xaqa afraad: waa u yeerida oo la ajiibo haduu ugu yeero casuumad guur iyo qayrkeedba. xaqa shanaad: waa in loo duceeyo markuu hindhiso oo uu yiraaho Alxamdu lilaah, oo lagu dhoho: yarxamuka Allaah, ka dib kan hindhisay wuxuu oronayaa: yahdiikum Allaah wa yuslix baalakum.

  1. Islaamka waynidiisa waxay ka muuqataa adkaynta xuquuqda u dhaxaysa muslimiinta iyo xoojinta walaaltinimada iyo is jaceylka u dhexeeya.

Successfully sent!