explain-icon

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu ahaa haduu hindhisayo: marka 1aad: Gacantiisa ama Maradiisa ayuu Afka saari jiray, si aanu uga soo bixin Afkiisa ama Sankiisa wax dadka la fadhiya dhiba. Marka 2aad: Codkiisa ayuu hoos u dhigi jiray oo kor uma qaadi. jirin.

explain-icon

fawaed

  • Xadiiskaan waxaa ku cad dhaqankii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu u hindhisi jiray iyo in looga daydo arinkaas.
  • Waa Suno in Afka iyo Sanka la saaro Maro ama Masar iyo wixii la mid ah markuu Qofku hindhisayo, si aanay uga soo bixin wax dhiba Qofka la fadhiya.
  • Xadiiska waxaa ku sugan in la rabo in Codka hoos loo dhigo marka la hindhisaayo, waana kaamilnimada aadaabta iyo akhlaaqda wanaagsan.