Ibnu Cabbaas Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay in isagoo yar uu Nabiga scw la fuushanaa, markaasa Nabigu scw ku yiri: waxaan ku barayaa arimo iyo waxyaabo Ilaahay kugu anficidoon: Ilaahay xifdi, oo ku xifdi inaad ilaaliso wuxuu ku faray iyo inaad ka dheeraato wuxuu kaa reebay, waa inuusan kaa helin meelaha macsida iyo danbiga, hadaad sidaa samayso abaal marintaadu waxay noqonaysaa in Ilaahay kaa xifdiyo dhibka aduunka iyo kan aakhiroba, kuguna guuleeyo dhamaan waxaad rabto oo dhan halkaad u dhaqaaqdaba. Hadii aad rabto inaad shay waydiisato, ha waydiisan cid aan Ilaahay ahayn, waayo isaga kaligi ayaa ajiiba kuwa wax waydiista. Hadii aad damacdo in lagu kaalmeeyo cidaan Ilaahay ahayn ha kaashan. Waa inaad yaqiinsataa inaadan helayn nafac hadii ay dadka dhulka jooga isu tagaan si ay wax kuu taraan kuguma tari karan wax Ilaahay kuu qoray mooyee.wax dhiba kuguma dhacayo hadii ay isu tagaan dadka dhulka jooga oo dhan si kuu dhibaan kuguma dhibi karaan wax Ilaahay kuu qaray mooyee. Arinkaan Ilaahay casa wajala ayaa qoray, wuxuuna ku qadaray sida xikmadiisa iyo cilmigiisu keenayan, wax badalid ahna laguma samaynayo wax Ilaahay qoray.