Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey wax kastaa inay qaddar ku dhacaan. xataa wahsiga: kaaso ah in qofku ka tago wixii waajibka ku ahaa inuu falo, ama uu ka caajiso, oo dib uga dhigo waqtiguu qaban lahaa waajibkaa ku saabsan arimaha aduunka ama aakhirada. Xataa firfricoonida oo ah inuu qofku fiiro gaara u leeyahay arimaha aduunka iyo aakhiro. Ilaahay casa wajala isagaa qadaray wahsiga iyo firfircoonida iyo wax walba, wax kasta oo dunida ka dhaca waa shay ilaahay horay u ogaa oo uu horay u doonay.