Rag ayaa u yimid mid ka mida Asaxaabta, iyagoo waydiinaya minbarkii Rasuulku scw uu samaystay waxa laga sameeyey? wayna ku murmeen oo ku doodeen arinkaa, wuxuuna u sheegay: in Rasuulku scw qof u diray gabar Ansaar ah, taasoo wiil khaadim ah oo najaar ah lahayd, wuxuuna Suubbanuhu faray gabadhaa inay wiilka amarto inuu u soo sameeyo minbar uu ku fadhiisto markuu dadka la hadlaayo, wayna aqbashay gabadhii, wiilkiina waxay fartay inuu Nabiga scw uga soo sameeyo geedka durafa`a, markuu dhameeyey gabadhii waxay u dirtay Nabiga scw, Nabiguna scw wuu amray in la dhigo meesha uu masjidka ka yaalo, ka dib Nabigu scw wuu ku tukaday wuuna takbiirsaday isagoo fuula, wuuna rukuucay isagoo fuula, ka dibna waa ka soo dagay isagoo gadaal u socda oo aan wajigiisa xaga danbe u jeedinayn wuxuun ku sujuuday minbarka salkiisa ka dibna waa ku noqday, markii uu dhamaystay salaadii ayuu dadka ku soo jeensaday oo ku yiri: waxaan sidaan u sameeyey inaad igu dayataan oo barataan salaadayda.