Nabigu scw wuxuu dhex fadhiyey asxaabtiisaa, wuxuuna yiri waqtigaasi waa waqtiga dadka laga siibayo cilmiga, Siyaad Binu Labiid Alansaari Allaha ka raali ahaade wuu la yaabay Nabiga scw wuuna waydiiyey, Wuxuuna yiri: sidee baa cilmiga loo waayin oo nooga lumin?! anagoo akhrinayna oo xifdinay, wallaahi waanu akhriyeynaa, waana baraynaa haweenkayaga iyo caruurtayada, iyo caruurta caruurtayada, Nabiga scw wuxuu yiri: isago la yaaban Siyaad hooyadaa ku waydey waxaan kuu haystay inaad ku jirto culimada reer Madiina! Ka dib Nabigu scw wuxuu u caddeeyey Siyaad in cilmiga waayidiisu uusan ahayn Qur'aanka oo la waayo, laakiin ay tahay ku camal falkiisa oo la waayo, Waa kuwaas Tawraat iyo Injiil oo ay haystaan Yahuud iyo Nasaaro, haddana wax kuma tarin kamana ay faa'iidaysan ujeedadii labadaa kitaab laga lahaa,! kaasoo ahaa inay ku camal falaan waxay barteen.