Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ahaa mid Ilaahay ka magan gala afar, ataxiyaadka u dambeeya ka dib, iyo salaama naqsiga ka hor, wuxuuna nafaray inaan Ilaahay ka magan galno afartaa, Tan 1aad: cadaabta qabriga. Tan 2aad: cadaabta naarta ee maalinta qiyaamaha. Tan 3aad: fitnada nolosha, ee ah shahawaatka aduunyada ee xaaraanta ah iyo shubuhaadka lagu lumo iyo fitnada dhimashada, waa marka sakaraadku jiro, oo islaamnimada ama sunada uu ka leexdo, fitnada qabriga sida su'aasha labada malag. Tan 4aad: fitnada masiixu dajaal ka soo bixidoona aakhiru samaanka, Ilaahayna adoomadiisa ku imtixaamayo, wuxuuna sigaar ah ugu xusay fitmadiisa oo aad u wayn iyo dadka oo uu baadiyeynaayo.