explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhihi jiray markuu Salaada ka baxo: Astqfirullaah, Astaqfirullaah, Astaqfirullaah. Ka dibna Rabigii ayuu waynaynaayey, wuxuuna oran jiray: Allahayow adigaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, Yaa Dal Jalaal wal Ikraam, Ilaahay waa Saalim oo sifaadkiisu waa kaamil, wuu ka nasahan yahay ceeb iyo nusqaan, isaga ayaa laga dalbaa inuu kaa nabad geliyo sharta Aduun iyo tan Aakhiro cid kale lagama dalbo, Ilaahay khayrkiisu waa badan yahay labada Daaroodba, Ilaahay waa kan u saaxibka ah waynaan iyo ixsaan.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa Suna ah in la istiqfaarsado Salaadaha gadaashooda, lana joogteeyo.
  • Waxaa loo Suneeyey istiqfaarta si loo dhamaystiro naqsiga cibaadada ku yimaada oo lagu kabo daacada laga gaabiyey.