Waxay weydiiyeen asaxaabtu Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- qaabka loogu sallinayo isaga? ka dib markay Ataxyaadka ku barteen sida ay u salaamayaan Nabiga scw: ((salaani korkaaga ha ahaato Nabi yahow iyo naxariista Ilaahay iyo barakadiisu...))? Wuxuu u sheegay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- sida loogu sallinayo, iyo macnaheedaba: ((Allahayow u naxariiso Maxamad iyo Ehelada Maxamadba)) macnaheedu waa: Allahayow ku amaan hadal wanaagsan malaa'igtaada agteeda Maxamad iyo kuwa diintiisa raacay iyo mu'uminiinta qaraabadiisa ah. ((sida aad ugu naxariisatay Ehelada Ibraahim)) Sida aad naxariistaada u siisay Ehelada Ibraahim-nabadi korkiisa ha ahaatee-oo ah: Ibraahim, Ismaaciil, Isxaaq, caruurtoodii iyo kuwa raacay ee mu'uminiinta ah, Maxamadna gaarsii galladdaada-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-. ((waxaad tahay Ilaah mahad badan oo sharaf badane)) Ilaahow waxaa la mahadiyaa adiga, sifooyinkaaga, iyo ficilkaaga, Ilaahow way balaaran tahay waynaantaadu, boqor tooyadaadu iyo wax bixintaaduba. ((Allahayow barakee Maxamad iyo Eheladiisaba, sida aad u barakaysay Ehelada Ibraahim)) Ilaahayow Nabiga scw sii kheyrka iyo karaamada tan ugu wayn oo u siyaadi una sug.