Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu salaada xirto wuu yara aamusi jiray intaanu faatixada akhrin, wuxuuna salaadiisa ku bilaabi jiray qaar ka mida ducooyinka, waxaa ka mida ducooyinka ku soo arooray oraahdiisii: "Allahayow, nakala fogee aniga iyo dambiyadayda, sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed, Allahayow iiga nadiifi dambiyadayda sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, Allahayow igaga dhaq dambiyadayda biyo, baraf iyo biyo qabow", Wuxuu Ilaahay ka baryayaa inuu kala dheereeyo isaga iyo dambiyadiisa, si aanu ugu dhicin, oo uu ka fogeeyo fogaan aanay wada kulmin, sida bari iyo galbeed aanay waligood u kumayn, haduu dambi ku dhocona Ilaahay uga nadiifiyo sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, oo uu dambiga ka dhaqo oo ka qaboojiyo ololkiisa iyo kulaylkiisa, oo uu uga dahiro kuwaan wax lagu dahiro ee qabow, oo ah biyo, baraf iyo biyo qabow.