Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu ka boxo Salaad kasta oo waajib ah inuu akhriyo dikraan wayn macnihiisuna waa: "Laa Ilaaha ilaa Allaah": majiro mid xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn. "Waxdahuu laa shariika lahu" ma jiro cid la wadaagta Ilaah Nimcadiisa, Rabi nimadiisa, magacyadiisa iyo Sifooyinkiisa. "Lahul-mulku" Ilaahay kaligi ayaa iska leh mulkiga guud ee caamka ah ee shaamilka ah ee waasica ah waa mulkiga Samooyinka iyo Dhulka iyo inta dhuxaysa. "Walahul-xamdu" Ilaahay isagaa ku sifoobay kaamilnimo guud oo lagu mahadiyo maxabo kaamila iyo xaalad walba oo la wayneeyo, hadii dhib jiro iyo hadii dheefi jirtoba. "Wa huwa calaa kulli shay'in qadiir" awoodiisu waa kaamil oo dhinac walba taamka ah wax uusan awoodin ma jiro arin ku adkaanayana ma jiro. "Laa xawla walaa quwata ilaa Billaah" ma jirto cid xaalad uga wareegi karta xaalad kale ama xaalad macsi ah uga wareegi karta xaalad cibaado ah, cid awood leh ma jirto in Ilaahay u kaalmeeyo mooyee oo isaga la talo saarto. "Laa ilaaha Ilaa Allaah,walaa nacbudu ilaa Iyaahu" waa hadal xoojinaya macnaha Ilaahnimada, oo diidaya Shirkiga, mana jiro cid cibaadada xaq u leh oo aan Ilaahay ahayn. "Lahu nicmatu walahul-fadlu" Ilaahay Isagaa abuuray nicmooyinka isagaana leh, wuxuuna siiyaa ciduu doono ee Adoomadiisa ah. "Walahu thanaa ul-xusan" amaanta fiican waxaa iska leh Ilaahay Daatadiisa, Afcaashiisa, Nicmooyinkiisa iyo xaalad walba. "Laa ilaaha ilaa Allaah, mukhlisiina lahu Diin" Ilaahay ayaan kali yeelaynaa cidna istusimayno cidna maqashiin mayno Ilaahay cibaadadiisa. "Walow kariha AlKaafiruun waxaan ku sugnaanaynaa towxiidka Ilaahay iyo cibaadadiisa haba dhibsadaan gaaladuye.