Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu qofka muslimka ahi dhoho: hadii Ilaahay ogolaado hebelna ogolaado." Ama hadii Ilaahay doono iyo hebel, Waayo doonista Ilaahay iyo iraadadiisu waa mid guud oo Isaga u gaara oo aan cidna lama wadaagto. Adeegsiga xarafka waaw oo loo adeegsado (iyo) wuxuu tusayaa oo loo fahmayaa in lala wadaagayo Ilaahay waxa uu xukumayo, iyo in cid lala simayo Ilaahay-isagaa nusqaan oo dhan ka hufane-. laakiin wuxuu oran: hadii Ilaahay ogolaado, ka dibna hebel ogolaado, oo wuxuu ka yeelayaa rabitaanka iyo doonista adoonku inay ku xiran tahay doonitaanka Ilaahay isagoo oranaya: xarafka (suma), oo macnihiisu yahay (ka dib), wuxuuna ka leexanayaa oo iska ilaalinayaa xarafka (waaw), waayo xarafka (suma) wuxuu faa'iidaynayaa oo loo fahmayaa ka daba gayn, iyo ka danbayn.