Anas Binu Maalik Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga scw wuxuu waayey Thaabit Binu Qays, nin ayaa yiri: Rasuul Ilaayahow, anaa warkiisa ku soo ogaysiin, wuu u tagay isagoo gurigiisa fadhiya, oo hoos eegaya, wuxuu ku yiri: maxaa ku helay?, wuuxuu yiri: waa shar, codkiisa ayuu codka Nabiga scw ka dulmarin jiray oo camalkiisii waa buray, wuxuun ka mid yahay ahlu naarka, ninkii Nabiguu scw u yimid oo u sheegay inuu caynkaa iyo caynkaa yiri, mar labaad ayuu ku soo noqday isagoo bishaaro wayn u wada, wuxuuna ku yiri: " u tag isaga waxaadna ku tiraahdaa ka mid maahid ahlu naarka, ee waxaad ka mid tahay ahlu Janada. Xadiis Saxiix ah - Xadiis la isku waafaqay
explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waayey Thaabit Binu Qays-Allaha ka raali noqde-, markaasuu waydiiyey, nin baa yiri: anaa kuu soo helaaya warkiisa iyo sababta uu la maqan yahay wuu aaday, wuxuu helay isagoo murugaysan, oo hoos egaaya, oo gurigiisa jooga , wuu waydiiyey: maxaa ku helay? Thaabit wuxuu u sheegay: inuu shar ku sugan yahay, waayo wuxuu hadalkiisa kor uga dhigi jiray hadalka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee , Ilaahayna qofka sidaa sameeya wuxuu ugu yaboohay in camalkiisu buraayo oo uu Naarta gelaayo. Ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayuu ku soo noqday wuuna u sheegay warkii, Nibagaa amray ninkii inuu ku laabto Thaabit, uguna bishaareeyo inaanu ahayn kuwa naar galaya, oo uu yahay kuwa janada galaya, waayo codkiisu abuur ahaan buu u dheeraa, wuxuuna ahaa khadiibka (gud biyaha warka si dadku u wada maqlaan hadalka) Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo khadiibka reer Ansaar.

explain-icon

fawaed

  • Cadeyn Thaabit Binu Qeys-Allaha ka raali noqdee-saxaabi fadli badan oo kuwa Janada galaya inuu ahaa.
  • Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu si wayn uga war hayey Asxaabta wuuna hor meeri jiray iyaga.
  • Asaxaabtu Allaha ka raali ahaadee aad bay uga cabsan jireen oo uga baqayeen in camalkoodu buro,
  • Waxaa waajib ah in si edeb leh loola hadlo Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee noloshiisa, hoosna loo dhigo codkiisa marka la maqlo sunadiisa dhimashadiisa ka dib.