Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in markuu qofka muslimku la tukado jamac salaadiisu ka fadli badan tahay salaada uu guriga ama suuqa ku tukado dhowr iyo labaatan jeer ama darejo. Ka dibna wuxuu sheegay sababta arintaa: waa marka uu wayso qaato qofku waysadiisana wanaajiyo ee uu masaajidka u dhaqaaqo, isaga oo salaada uun u jeedadiisu tahay, tallaabo kasta oo uu xagga masaajidka u qaado Illaahay inuu derejo ku siinaayo oo kor loogu qaadayo, lagaga tiraayana dambi, Marka uu masaajidka galo ee uu fadhiisto isaga oo salaad ku sugaaya, wuxuu helayaa oo u soconaya ajarka qof salaad kujira, malaa'igtuna way u ducaysaa inta uu fadhiyo goobta uu ku tukaday, iyadoo dhahaysa: "Allahayow u dambi dhaaf, Allahayow u naxariiso, Allahayow ka toobad aqbal" sidaabay ugu ducaynaysaa inta aanay waysadu ka jabin, ama aanu ku kicin wax dadka iyo malaa'igtuba dhibsanayaan.