Abii Hurayra _Allaha ka raali noqde waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa u yimid nin indhoole ah, wuxuuna ku yidhi Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Rasuulka Ilaahayow, mahaysto qof Masaajidka ii kaxeeya oo Gacanta i qabta, wuxuuna weydiistay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu u ogolaado inuu Gurigiisa Salaada ku tukado, waanu u ogolaaday Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, laakiin makuu ka dhaqaaqay ayuu u yeeray, wuxuuna ku yiri:" Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib ). Xadiis Saxiix ah - Waxa wariyay Muslim
explain-icon

Sharaxaad

Nin indhoole ah ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimi wuxuuna yiri: Rasuul Ilaahayow, ma halayo Qof i caawiya oo Gacanta i qabta oo ii kaxeeya masaajidka, Salaadaha Shanta ah, wuxuu rabay in Rasuulka u fasaxo inuusan jamacada imaan, wuuna u fasaxay, markuu ka dhaqaaqey ayuu u yeeray wuxuuna ku yiri: Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu ku yiri: Aadaanka Salaada ajiib.

explain-icon

fawaed

  • Salaada Jamaacadu waa waajib, waayo rukhsada waxaa laga qaataa uun shay waajib ah.
  • Hadalka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee ah (Ajiib dhawaqa) Qofka maqalaya Aadaanka wuxuu ku tusayaa inay waajib tahay Salaada Jamaacada ahi, waayo amarka asalkiisu waa waajib.
explain-icon

dheeraad/kordhin