Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay ina maamuli doonaan Madax sameyndoona shaqo aanu naqaan waafaqsana Sharciga aanu naqaan, waxay kaloo sameyn doonaan shaqo aan ku diidayno waayo waxay khilaafsan tahay Sharciga. Qofkii qalbigiisa ka diida Munkarka ee aan awoodin inuu ka hadlo diidana, Danbiga iyo Nifaaqa beri ayuu ka noqday. Qofka awooda inuu Madaxda ku diido Gacan ahaan ama Carab ahaan ee Madaxda ku diida Xumaha wuu ka badbaaday Macsida iyo inuu ka qaybqaato Xumaha. Laakiin Qofka ka raali noqda ee ku raaca Xumaha wuu halaagsamin siday u halaagsameen. Ka dib waxay waydiiyeen Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inay la dagaalamaan Madaxda xaalkuudu sidaa yahay?, wuuna u diiday Rasuulku arinkaa, wuxuuna ku yiri: maya, intay Salaada idinla oogayaan.