explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey muslimiinta oo ku midaysan hal nin oo xukuma, iyo aragti kaliya, ka dibna uu u yimaado mid doonaya inuu xukunka kula diriro, ama raba inuu muslimiinta u kala jabiyo kooxo badan, waxaa waajib ku ah muslimiintu inay u diidaan oo la diriraan , iyadoo laga hortagaayo sharkiisa iyo musliniinta dhiigooda oo la ilaalinayo.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa waajib ah in la maqalo oo lagu adeeco ninka muslimiinta xukuma wixii aan macsi ahayn. waana xaaraan in lala dagaalamo.
  • Cida la dagaalanta ninka muslimiinta xukuma iyo bulshada la jirtya waxaa waajib ah la la dagaalo,siduu doono ha u sareeyo maqaamkiisu iyo qabiilkiisuye.
  • Waxaa dadka lagu boorinayaa inay midoobaan oo aanay kala tagin oo is khilaafin.