explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu balan kaga qaaday Asxaabtiisa inay u hogaansamaan Madaxda waqtiga fudud iyo waqtiga adagba, waqtiga barwaaqada iyo waqtiga baahida la qabo, amarkoodu ha ahaado waxaan jecelnahay ama wax aan dhib sanayno, xataa haday Madaxdu Bulshada ka badasadaan Xoolaha caamka ah, iyo shaqo isku magacaabida, iyo wixii la mida, waxaa waajib ah in lagu adeeco waxa wanaaga ah, iyo inaan laga hor iman Madaxda, waayo fitnada iyo ladagaalan koodu wuu ka waynaan fasahaadka ka dhalanaya dulmiga ay sameeyaan, iyo wixii ay balan qaadeen oo ahaa inay xaqa sheegaan goob walba, iyagoo Ilaahay u daacad ah oo aan ka baqayn cid canaanata.

explain-icon

fawaed

  • Madaxda in la maqalo oo la adeeco mairaha ka dhalanaya waa in muslimiinta kalimadoodu mid noqoto iyo in khilaafka la joojiyo.
  • Waa waajib maqalka iyo adeecida madaxdu wixii aan macsida Ilaahay ahayn, xiliga barwaaqada iyo xiliga xaaladu daran tahay, goortaan dhib jirin iyo goorta ay adag tahayba iyo xataa haday ka wax badsadaan dadka.
  • Waa waajib inaan xaga sheegno meel walba oo aan joogno, inagoo aan uga baqayn xaqa sheegidiisa canaant mid nacanaanta.