Cusmaan Binu Cafaan Allaha ka raali ahaadee wuxuu baray qaabkii waysaysiga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waliba qaab tusaalaysan, oo uu tusayo hortooda dadka siday tahay waysadu, wuxuuna dalbaday biyo weel ku jira, seddex jeer ayuu ku shubay Gacmihiisa wuuna mayray, intaa ka dibna Gacantiisa Midig buu weelka galiyey biyuhuuna sooqaatay, Afkiisuna galiyey wuuna soo tufay, hadana biyihii buu sanka ku qaaday ilaa gudaha sanka, wuuna soo firdhiyey, hadana wajigiisuu saddex jeer dhaqay, Gacmuhuu ku xijiyey ilaa labada Xusul seddex jeer, hadana hal marbuu Madaxa mariyey Gacantiisoo qoyan, intaa ka dibna Luguhuu dhaqay ilaa Anqawyada seddex jeer. Markuu dhameeyey Allaha ka raali ahaadee ayuu ka sheegay inuu arkay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo sidiisaa oo kale u weyso qaatay, oo waliba ugu bishaareeyey Qofka sidiisa oo kale u weysa qaata labo rakcadoodna tukada, isagoo khushuucsan qalbigiisana soo xaadiriyey llaahay hortiisa, Ilaahay inuu kaga abaal marin doono weysadiisaa uu wanaajiyey iyo Salaada khaaliska ah inuu ka dhaafo dambiyadiisii hore.