Cabdullaahi Binu Zayd-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu cadeeyey qaabkii waysadii Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisadii- qaab ficil ahaan ah, wuxuuna waydiistay in weel yar oo biyo ku jiraan loo keeno, wuxuuna ku bilaabay inuu horta faraha dhaqdo, ka dibna weelka ayuu soo qaloociyey oo biyaha ka shubtay oo gacmaha sadex jeer ku dhaqay weelka dibadiisa. Ka dibna weelkii buu gacantiisa galiyey, oo saddex jeer darsaday oo ku luq-luqday oo mar walba oo uu darsado wuu sandaarsaday oo iska firdhiyey. Ka dibna weelkii ayuu ka darsaday wuuuna dhaqay wajigiisa sadex jeer, Ka dibna weelkii ayuu ka darsaday oo dhaqay gacmihiisa labalaba jeer ilaa xusulada, Ka dibna gacmihiisuu weelkii galiyey, madaxiisuuna labadiisa gacmood ku masaxay, isagoo ka bilaabay foodiisa ilaa qadaadka qoorta ka sareeya, ka dibna wuu ku sooceliyey ilaa uu soo gaaray meeshuu ka bilaabay, Ka dibna lugihiisuu dhaqay ilaa anqawyada.