explain-icon

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay waajib ku tahay Aabaha inuu amro caruurtiisa wiilal iyo gabdho salaadda, markay da'ada gaaraan toddoba sano, oo uu baro caruurta siday u takan lahaayeen. markay gaaraan toban sano wuxuu ugu darayaa, inuu ku garaaco hadday ka gaabiyaan salaada, waana in loo kala duwo firaashka ay ku seexanayaan.

explain-icon

fawaed

  • waa in carruurta yar-yar la baro diinta intayna qaan gaarin, waxaana ugu muhiimsan salaada.
  • Garaaciddu waa edbinta, ee maaha ciqaab, waa in garaacidu noqotaa mid ku haboon xaalada caruurta.
  • shareecada islaamku way ilaalisay sharafka qofka, wayna xidhay waddo kastoo fasaad uga iman karo.