Qofka salaad ilaawa ha tukado markuu xasuusto, kafaaro gud kale malaha oo intaa ahayn

Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: "Qofka salaad ilaawa ha tukado markuu xasuusto, kafaaro gud kale malaha oo intaa ahayn: {salaadda u oog xuskayga} [suuratu Daaha:14]"
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Nabigu scw wuxuu cadeeyey qofka illaawa salaad faral ah ee waqtigeedii baxay, waxaa ku waajib ah inuu u deg-dego qalaynteeda marka uu xasuusto, dambiga ka tagida salaada laga dhaafimaayo oo Ilaahay ma asturayo in muslimku uu takado markuu xasuusto maahee, Ilaahay ayaa kitaabkiisa ku yiri: {salaadda u oog xuskayga dartii} [suuratu: daaha:14], oog oo tuko salaadda aad illawdo markaad xasuusato.

  1. Waxaa la cadeeyey ahmiyada salaadda iyo inaan la fududaysan gudashadeeda iyo qalaynteeda.
  2. Ma banaano in salaadda laga dib dhigo waqtigeeda, cudur daar la'aan.
  3. Waa waajib inuu qaleeyo qofka ilaawa salaadda markuu xasuusto, kan hurdaana markuu tooso.
  4. Salaada in durba la qaleeyo waa waajib haba ahaato waqtiyada salaada la reebaye.

Successfully sent!