explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey Qofka ilaawa Salaad faral ah ee waqtigeedii baxay, waxaa ku waajib ah inuu u deg-dego qalaynteeda marka uu xasuusto, dambiga ka tagida Salaada laga dhaafimaayo oo Ilaahay ma asturayo in Muslimku uu tukado markuu xasuusto maahee, Ilaahay ayaa Kitaabkiisa ku yiri: {Salaada u oog xuskayga dartii} [suuratu: daaha:14], oog oo tuko Salaada aad ilawdo markaad xasuusato.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa la cadeeyey ahmiyada Salaada iyo inaan la fududaysan gudashadeeda iyo qalaynteeda.
  • Ma banaano in Salaada laga dib dhigo waqtigeeda, cudur daar la'aan.
  • Waa waajib inuu qaleeyo qofka ilaawa salaada markuu xasuusto, kan hurdaana markuu tooso.
  • Salaada in durba la qaleeyo waa waajib haba ahaato waqtiyada Salaada la reebaye.