Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waydiiyey Asxaabtiisa: Ma doonaysaan inaan idiin sheego oo idin baro acmaashiina kuwa ugu khayrka badan, uguna sharfta badan, uguna barako badan, oo ugu daahirnimada badan, uguna nadiifsan xaga Allaha Maaliga ah ee Casa Wajale ah. DarajaadkiinaJanadana idiin kor yeelid badan. Ee idiinka khayr badan inaad Sadaqaysaan Dahabka iyo Fidada? Ee idiinka khayr badan inaad Gaalada Jihaad la gashaan oo aad Qoorta ka garaacdaan, iyaguna Qoorta idinka garaacaan? Waxay dheheen Asaxaabtu: haa, waan doonaynaa, Rasuulkii Ilaahayow. Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: waa dikriga Ilaahay, oo aad xustaan waqti kasta iyo qaab walba iyo xaalad kasta oo aad ku jirtaan.