Abii Hurayra Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Rabigi wuxuu ka wariyey, inuu yiri: " "Adoon baa dambaabay Dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii Dambi dhaaf, Ilaahay sareeye wuxuu yiri : Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kuna ciqaaba, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri : Rabiyow, ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kuna ciqaaba dabmiga, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri: Rabiyow ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: wuu dambaabay Adoonkaygu wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kuna ciqaaba Dambiga, fal waxaad doonto, waan kuu Dambi dhaafaye". Xadiis Saxiix ah - Xadiis la isku waafaqay
explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Rabigii ka wariyey inuu Adoonku markuu dambi falo ee uu dhoho: Allahayow ii dambi dhaaf, inuu Ilaahay dhahayo: Adoonkaygaa Dambi falay, oo ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kaasoo astura oo u dhaafa Dambiga, ama ku ciqaaba, waan kuu Dambi dhaafay. Hadana wuu ku noqday Adoonku oo wuu dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii Dambi dhaaf, Ilaahay ayaa dhahay: Adoonkaygaa Dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa Adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u Dambi dhaafay Adoonkayga. Hadana wuu ku noqday adoonkaygu oo dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii dami dhaaf, Ilaahay ayaa wuxu dhahay: Adoonkaygaa Dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa Adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u Dambi dhaafay Adoonkayga, ha sameeyo wuxuu doono kol haduu markuu Dambi falaba ka istaagayo, kana murugoonayo, go`aansanayo in aanu ku laaban doonin, laakiin naftiisu ka adkaanayso, Dambigiina ku dhacayo, intuu sidaa yahay oo Dambaabayo kana tawbo keenayo waan u Dambi dhaafi, tawbadaa baabi'isa wixii ka horeeyey.

explain-icon

fawaed

  • Naxariista Ilaahay siiyey adoomadiisa waa waasac, dadkuna si kasta oo ay u dambaabaan hadii ay ka towba keenaan ee ay Ilaahay u soo noqdaan wuu ka towbo aqbalaa.
  • Muuminka Ilaahay rumeeyey wuxuu rajo ka qabaa cafinta rabigiis, ciqaabtiisana wuu ka cabsadaa, towbada ayuu u degdegaa oo macsida kuma sii jiro.
  • Shuruuda towbada ee sexda ahi waa: Dambiga oo la joojiyo, lagana qoomameeyo, oo la go`aansado inaan lagu laaban Dambiga, hadayse tahay towbadu Dulmi laga galay Adoomada, sida Maalka, Cirdiga-Sharafka Qofka, iyo Naftaba, shardi kale oo afraad baa ku biiraya, kaasoo ah ka xalaashiga Qofkii xaqa iska lahaa, ama in la siiyo xaqiisa.
  • Muhimad ayey leedahay Aqoonta Ilaahay taasoo ka dhigaysa Adoonka mid aqoon u leh Diintiisa oo mar walba oo uu Dambaabo u towba keena Ilaahay, oo aanu quusan kuna sii jirin Dambiga.