Aadaanku waa ogaysiin dadka la ogeysiinayo soo gelida waqtiga Salaada, erayada Aadaanku waa erayo caqiidada rumaynta Ilaahay ku dhan yahay. Xadiiskan Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu ku cadeyey inay Sharci tahay Qofku markuu Aadaanka maqlo, in Qofka maqlaya uu yiraahdo sida Mu`adinku leeyahay oo kale, oo hadii Mu`adinku yiraahdo: "Allaahu akbar'' Qofka maqlaya wuxuu oran: '' Allaahu akbar '', sidaasuu u wadayaa, markuu soo gaaro Mu'adinku '' xaya cala Salaat '', xaya calal-falaax '', wuxuu oran Qofka maqlayaa Aadaanka: '' laa xawla walaa quwata ilaa Bilaah ''. Wuxuu kaloo cadeeyey Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee in qofka ka daba dhaha Mu'adinka erayada Aadaanka isago ay qalbi iyo daacad ka tahay inuu Janada gelayo. Macnaha Erayada Aadaanku waa: '' Allaahu akbar '': Ilaahay baa wax walba ka weyn oo ka mudan. '' Ashhadu alaa Ilaa Ilaaha Ilaa Allaah '':Iilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn ma jiro. ''Ashhadu ana Maxamedan Rasuulu Allaah ": waxaan markhaati ka ahay oo ka qirayaa carabkayga iyo qalbigayga inuu Maxamed yahay Rasuul Ilaahay casa wajala soo diray, in la adeecona ay waajib tahay. ''Xaya cala Salaat'', u kaalaya Salaada, hadalka Qofka maqlaya Aadaanka ee: ''laa xawla walaa quwata ilaa billaah'' waa: ma jirto xeelad gaara oo aanu kaga bixi karno wixii daacada naga hor joogsada, xoog iyo awoodna uma lihin aan shay ku samayno Ilaahay inuu nawaafajiyo mooyee. ''Xaya calal-falaax'', u kaalaya asbaabta liibaanta, taasoo ah in lagu guulaysto Janada lagana bad-baadada Naarta.