Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu farayaa tir tirida Xumaha waana wax kasta oo Ilaahay iyo Rasuulkiisu reebeen kolba awooda Qofka Muslimka ahi intay qaban kareyso. Haduu arko -Muslimku-Xumaan waxaa ku waajib ah inuu gacantiisa ku baabi'iyo, haduu awoodaa leeyahay oo sameyn karo. Haduuna awoodi karin sidaas, carabkiisa ha ku tir tiro Xumaantaa oo ha ka reebo kan Xumaanta faraha kula jira, hana ku waaniyo kheyrka Sharta badalkeeda. Haduu awoodi waayo kaalintaa qalbigiisa ha ku badalo Xumaanta isagoo nacaya Xumaantaa oo go'aansanaya haduu awoodi lahaa inuu ficil ku baabi'in lahaa. Qalbiga oo laga naco Xumaanta waa derejada ugu hoosaysa derajooyinka iimaanka ee Xumaanta lagu tir-tiro.