Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiye wuxuu waydiiyey Asxaabtiisa inay rabaan inuu tuso camal sabab u noqda in dambiga la dhaafo oo laga masaxo Diiwaanka Malaa`igtu ku qorto, oo laga masaxo Buugta Malaa'igtu ku qorto oo lagu helo darajo sare? Waxay dheheen Asxaabtu: haa waan doonaynaa kaas, wuxuu yiri: Kan 1aad: waa in sifiican loo Wayso qaato Waqtiyada la dhibsanyo Biyaha, sida Qabowga, Biyo yaaranta, Jirka oo xanuunsan iyo Biyaha oo kulul. Kan 2aad: waa in talaabada loo badiyo xaga Masaajidka, Talaabaduna waa masaafada u dhaxaysa labada Lugood oo loo qaado Masaajida ka fog Guriga iyo in Inbadan lagu soo celceliyo Talaabadaas. Kan 3aad: waa Waqtiga Salaada oo la sugo, iyo Qalbiga oo ku xiran Waqtiga Salaada loona diyaargaroobo Salaada iyo Masjidka oo la fariisto oo lagu sugo Jamaacada, oo haduu Salaada tukado uu fadhiyo meeshii uu ku tukaday ilaa Salaada xigta la gaaro. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in camalkaasi yahay Jihaad run ah loo darban yahay, waayo Nafta ayuu ka xirayaa dariiqa Shaydaanka hawadana wuu qasbayaa oo ka joojinayaa inay aqbasho waswaaska, markaas ayey xisbiga Ilaahay ka adkaanayaan Ciidanka Shaydaanka, kaasaana ah Jihaadka weyn, taasina waxay la mid tahay Qof Dhufays ugu jira Cadowga.