Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee- wuxuu cadeeyey qaabab ka mid ah wax bixinta, wuxuuna u kala ratibay hadii ay wada kulmaan qaababka wax bixintu u kala waajibsan tahay, wuxuuna ka bilaabay siday u kala muhiimsan tahay. Wuxuu sheegay lacagta ugu ajarka badan inay tahay tan uu ku masruufo muslimku dadka ay ku waajibtay nafaqadoodu, sida xaaskiisa iyo caruurtiisa. Ka dibna waxaa ku xiga kharashka lagu bixiyo gaadiidka loo diyaariyey jihaadka Ilaahay. Ka dibna waxaa ku xiga wuxuu ku nafaqeeyo saaxiibadiisa jihaadka Ilaahay kula jira.