Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inaysan janada galeyn cidaan Mu'uminiinta ahayni, iimaankuna ma dhamaystirmo mana hagaagayo xaalka Muslimiintu ilaa ay is jeclaadaan. Ka dibna wuxuu ku booriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax yaabaha ugu fiican ee is jacaylka keena, waana salaanta oo Muslimiinu lagu faafiyo, taasoo Ilaahay uu ka dhigay salaanta Adoomadiisa ay ku salaamaan.