Mucaawiye Binu Abii Sufyaan -Allaha ka raali ahaadee- ayaa kusoo baxay xalaqo masaajidka dad u fadhiyey, wuxuuna weydiiyey sababta ay isugu yimaadeen, waxay ku dheheen: Ilaahay baan xusaynaa, markaasuu dhaariyey inaysan wax kale u fadhin oo u kulmin xuska Ilaahay maahee, wayna u dhaarteen, Hadana wuxuu ku yiri: anigu idiin maan dhaarin shaki aan idinka qabo adinka iyo run sheegiina, wuxuuna u sheegay darajada uu ka joogo Nabiga scw, iyo inuusan jirin qof nabiga scw uga dhawaa , waayo umu xabiiba oo walaashi ah ayaa xaaskii Nabiga scw ahayd, isaguna wuxuu ka mid ahaa kuwa qora waxyiga, sidaas oo ay tahay hadana way yar tahay axaaddiista uu wariyey, Wuxuu u sheegay iyaga in Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu maalin ka soo baxay gurigiisa, wuxuu arkay asaxaabta oo masjidka fadhiya oo Ilaahay xusaya kuna mahadinaya inuu ku hanuuniyey Islaamka, kuna galadaystay Islaamka, Nabigu scw wuu waydiiyey waana dhaariyey, sida uu ku sameeyey Mucaawiye Allaha ka raali noqdee asxaabta oo kale. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu ku yiri isagoo u sheegaya sababta uu u waydiiyey su'aasha oo uu u dhaariyey: inay ahayd inuu malakul Jibriil u yimid, oo uu u sheegay inuu Ilaahay casa wajala Malaa`igta ugu faanayo adinka, oo uu u muujinaayo fadligiina aad dheertihiin malaa`igta oo uu tusinaayo camalkiina wanaagsan, oo uu idinku amaano malaa`igta horteeda.