Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey Ilaahay inuu hadalka Afar ugu jecel yahay: Subxaana Allaah: waxayna tahay Ilaahay wuu ka nasahan yahay wax kastoo nusqaan ah. Alxamdu lillaahi: Ilaahay wuxuu ku sifoobay kaamilnimo taam ah oo ay la socoto waynayntiisa iyo jeclaantiisa. Laa ilaaha ilaa Allaah: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan ahayn Allah. Allaahu Akbar: Ilaahay ayaa ka weyn oo ka cisi badan, oo ka sharaf badan cid kasta. Fadliga ereyadan iyo ajarkooduba kuma xirna inay iskugu xigaan, marka lagu dhawaaqayo.