Ilaahay hadalka wuxuu u jecel yahay afar: subxaana Allaah, Alxamdu lilaah, laa ilaaha Illaa Allaah, Allaahu akbar, dhib maleh tii aad ka bilowdaa

Samura Binu Jundub Allaha ka raali ahaade wuxu yiri: Rasuulka Ilaahay scw ayaa yiri: "Ilaahay hadalka wuxuu u jecel yahay afar: subxaana Allaah, Alxamdu lilaah, laa ilaaha Illaa Allaah, Allaahu akbar, dhib maleh tii aad ka bilowdaa.
Sahih/Authentic. - Muslim

Nabigu scw wuxuu cadeeyey Ilaahay inuu hadalka Afar ugu jecel yahay: Subxaana Allaah: waxayna tahay Ilaahay wuu ka nasahan yahay wax kastoo naqsi ah. Alxamdullillaahi: Alle waxuu ku tilmaaman yahay dhameys tir oo dhan kan oo la socoto weynaanta jaceylkiisa. Laa ilaaha illallaah: majiro Alle xaq lagu caabudo oon Allaha xaqa ah aheyn. Allaahu Akbar: Ilaahay ayaa ka wayn oo ka cisi badan, oo ka sharaf badan cid kasta. fadliga ereyadan iyo ajarkooduba kuma xirna inay iskugu xigaan, marka lagu dhawaaqayo.

  1. Shareecada Islaamku way fududahay dhib kuma jiro ereyadaan kii aad ka bilowdo.

Successfully sent!