explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay laba eray oo dadku u oran karaan si fudud iyo xaalad kasta oo ay joogaan, oo ajarkoodu ku wayn yahay miisaanka, Rabigeena Raxmaankuna jecel yahay. Subxaana Allaahi Alcadiim, Subxaan Allaahi wa Bixamdihi, ereyadaani Ilaahay waxay ku sifaynayaan waynaan iyo kaamilnimo, iyo in Ilaahay laga nasaho nuqsaanta isagaa sareeyee.

explain-icon

fawaed

  • Dikriga ugu wayn waa in lagu kulmiyo Ilaahay nasahnaantiisa iyo amaantiisa.
  • Waxaa cad Ilahay Raxmadiisa waasica ah ee uu siiyey Adoomadiisa, camal yar ayuu ku abaal marinayaa ajar weyn.