explain-icon

Sharaxaad

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dikriga Ilaahay ee ereyadaan waawayn ah ay ka khayr badan yihiin Aduunyada iyo waxa dhex yaalla, oo ah: "Subxaana Allaah" Ilaahay Isagaa nusqaan oo dhan ka hufan. "Alxamdu lillaahi" Ilaahay Isagaa ku amaanan sifaadkiisa kaamilka ah oo maxabadiisa iyo waynaantiisu la jirto. "Laa ilaaha Ilaa Allaah" ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn. "Allaahu akbar" Ilaahay ayaa wax walba ka wayn.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa laysku boorinayaa dikriga Ilaahay, isagaana laga jecel yahay waxay Qoraxdu u soo baxdo.
  • Waxaa laysku boorinayaa in la badsado dikriga Ilaahay, ajarka iyo fadliga ku jira awgeed.
  • Raaxada Aduunyadu waa wax yar macaankeeduna wuu tagayaa.