(Inaan iraahdo: subxaanallaahi, wal-xamdu lillaahi, walaa ilaaha illa-llaahu,wallaahu akbar, ayaan ka jeclahay inta qoraxdu u soo baxdo oo dhan

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Inaan iraahdo: subxaanallaahi, wal-xamdu lillaahi, walaa ilaaha illa-llaahu,wallaahu akbar, ayaan ka jeclahay inta qoraxdu u soo baxdo oo dhan.
Sahih/Authentic. - Muslim

Rasuulku scw wuxuu sheegay in dikriga Ilaahay ee ereyadan waawayn ah ay ka khayr badan yihiin adduun yada iyo waxa dhex yaalla, oo ah: (Subxaallaah) Ilaahay Isagaa nusqaan oo dhan ka hufan. (Alxamdu lillaahi) Ilaahay Isagaa ku amaanan sifaadkiisa kaamilka ah oo maxabadiisa iyo waynayntiisu la jirto. (Laa ilaaha Illa-llaah) ma jiro ilaah xaq lagu caabudo oo aan Allaha ahayn. (Allaahu akbar) Ilaahay ayaa wax walba ka wayn.

  1. Waxaa laysku boorrinayaa dikriga Ilaahay, isagaana laga jecel yahay waxay qoraxdu u soo baxdo.
  2. Waxaa laysku boorrinayaa in la badsado dikriga Ilaahay, ajarka iyo fadliga ku jira aawadeed.
  3. Raaxada aduunyadu waa wax yar macaankeeduna wuu tagayaa.

Successfully sent!