Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka Ilaahay darti u Xajiya ee aan Rafas la imaan, Rafaskuna waa Galmada iyo wax yaabaha ka horeeya sida dhunkashada, iyo salaaxida, waxaa kaloo lagu macneeyaa Rafaska hadalka xun, Qofkaasoo aan samayn fisqi, iyo ficil macsiya iyo xumaan. Fusuqa waxaa ka mida in lagu dhoco wax yaabaha ka reeban Qofka Muxrimka ah, Qofkaasi wuxuu Xajkiisa ka soo laabtaa isagoo loo dambi dhaafay, oo ah sida Ilmuhu markuu dhasho aanu danbi u lahayn.