Asaxaabtu -Allaha ka raali ahaadee-waxay u arkayeen inuu jihaadka iyo gaalada oo lala dagaalamo uu ugu fadli badan yahay camalka. Sidaa darteed bay Caa'isha u weydiisay Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- in dumarku jihaadaan? Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u tilmaamay jihaadka dumarka u fadli badan kaasoo ah xajka wanaagsan ee waafaqsan kitaabka iyo sunada Rasuulka, ee ka nabad galay dambi iyo istustus.