Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu ka soo laabtay xajatul-wadaac, ayuu ku yiri haweenay reer ansaar ah oo xajka aan tagin: maxaa kuu diiday inaad xajka noo raacdid? Waxay ku cudur daaratay inay lahaayeen labo awr, oo mid odaygeeda iyo wiilkeedu ku xajiyeen, midna wuu uga tagey si biyaha ceelka uga soo dhaansadaan. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u sheegay in gudashada cumrada bisha ramadaan dhexdeeda uu u dhigmo ajarkeedu ajarka xajka.