explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey hadii Qofka tukanaaya calooshiisa ka dareemo dhaqdhaqaaq oo uu kala garan waayo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu Salaada ka bixin oo jarin si uu u soo weyso qaato, ilaa uu hubsado inuu jiro shay weysadiisii ka buriyey, taaso ah inuu maqlo Neef codkeed ama uu uriyo Neef, maxaa yeelay Qofka huba weysada shaki kama buriyo, Qofkuna wuu hubaa weysadiisii, shayga dhaqaajiyey ayaa shaki ah.

explain-icon

fawaed

  • Xadiiskani waa asal ka mida asalada Islaamka iyo qaacido ka mida qaacidooyinka fiqiga, waana: yaqiin shaki laguma suuliyo, asalkuna wuxuu baaqi ku ahaanayaa sidiisa ilaa la hubsado wax sidiisa ka duwan.
  • Shakigu ma saameeyo dahaarada, Qofka tukanayaana dahaaradiisii ayuu qabaa ilaa uu hubsado inay burtay.