Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey munaafaqa xaalkiisa iyo inuu la mid yahay ri` ku dhex wareertay labo ari kii ay raaci lahayd. Ri`daas oo mar xayntaa arigaa u tagaysa marna xayntaa kale. Munaafaqiintu waxay ku dhex wareersan yihiin Iimaanka iyo kufriga, Muuminiinta u lama jiraan si muuqata iyo si qarsoon, gaaladana u lama jiraan si muuqata iyo si qarsoon, balse waxay ka ag muuqdaan Muuminiinta, waxaa uurkooda ku jira shaki iyo walaac, qalbigoodu mar wuxuu raacin kuwaa, marna kuwaa kale.