Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Munaafiqiinta iyo ka caga jiidkooda iyo karahsigooda Salaadaha, gaar ahaana labada Salaadood ee Cishaha iyo Subaxa, haday ogaan lahaayeen ajarka iyo fadliga ku jira Salaadahaa oo Jamac lagula tukado Muslimiinta way imaan lahaayeen xataa iyagoo sida caruurta ku gur-guuranaya gacmaha iyo jilbaha. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu go'aansaday inuu amro in Salaadda la aqiimo, oo nin dadka ka mida imaam u noqdo oo dadka tujiyo, isaguna intuu kaxaysto kuwo Xaabo sida ay aadaan Raga aan Salaada jamaca imaanayn oo uu guryahooda dab ku soo gubo, waayo waxay sameeyeen ee dambi ah awgeed laakiin muuna samayn, dadka Guryaha jooga ee Dumar, Caruur aan dambi lahayn, iyo dad cudur-daar leh dambina aan lahayn dartood ayuuna sidaa u samayn.