Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- wuxuu u sheegay asaxaabta in muslimiintu ka guulaysan doonaan yuhuuda reer kheybar beri, taasina waxay ku imaan doontaa nin Nabigu scw calanka ugu dhiibi doono gacantiisa, calankuna waa midka ciidanku astaanta ka dhigtay. Ninkaana sifooyinkiisa waxaa ka mida inuu Ilaahay iyo Rasuulkiisa jecel yahay Ilaahay iyo Rasuulkiisuna ay jecel yihiin. Asaxaabtu waxay habeenkii ku baryeen iyagoo ku murmaya yaa la siin doonaa calanka?, iyagoo doonaya inay sharaftaas wayn helaan. Markii waagii baryey ayey u tageen Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyadoo mid walba rabo inuu ku guulaysto sharaftaas wayn, Nabigu scw wuxuu waydiiyey Cali Binu Abii Daalib-Allaha ka raali ahaadee-? waxaa lagu yiri: wuu bukaa oo indhahaa xanuunaya. Nabigu scw wuu u cidiray waana loo keenay-Cali-, Nabigu candhuuftiisa sharafta leh ayuu indhaha kaga tufay, wuuna u duceeyey, wuu ka bogsaday xanuunkii sidii isagoo aan xanuunsan, markaasuu calankii u dhiibay, wuxuuna faray inuu tartiib u socdo inta uu u dhawaanayo dhufayska cadawga, oo uu Islaamka ugu yeero, haday aqbalaan, u sheeg Faralka ku waajibaya. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu u cadeeyey Cali fadliga dacwada Ilaahay leedahay, oo hadii qofka daaciga ah Ilaahay sababtiisa ku soo hanuuniyo hal qof waxay uga kheyr badan tahay geel cas-cas, kaasoo ah waxa ugu qiimo badan xoolaha Carabta isagoo dhaqanaya ama sadaqaysanaya.